Sawiro:-Madaxweyne Axmed Madoobe oo booqday Xuduuda Somaliya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay booqday xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ee kala qeybiya magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera.

Axmed Madoobe ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Jubbaland, waxaana ay indha indheyn ku sameynayeen xaalada xuduuda.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa tagay halka ay dowladda Kenya ka dhiseyso darbiga, oo muddooyinkii la soo dhaafay uu muran ka taagnaa.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmahan kormeero ku maraya deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, isagoo booqday xeradii Al-Shabaab ay weerareen todobaadkii hore ee duleedka degmada Beledxaawo.

Dhismaha Darbiga ayaa laga bilaabay meel ka soo yara durugsan, halka markii hore loo calaameeyay xuduuda, waxaana dhulka loo qaday dhowr mitir, si darbiga aas aas loogu sameeyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa horay uga soo horjeestay dhismaha darbiga ay kenya ka dhiseyso xuduuda ee ku yaalla dhinaca Beledxaawo, iyadoo sanadkii hore wafdi wasiiro iyo Xildhibaano ay tageen, si ay u soo arkaan.

Kenya ayaa sheegtay in darbiga ay ka dhiseyso xuduuda uu jeedkiisa yahay inay kaga hortagto weerarada uga imaanaya Al-Shabaab.