Video:-Waa kuma madaxweynaha cusub ee Hirshabelle?

Waxaa soo gaba gabowday doorashada Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ee ka socotay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe oo ay ku tartamayeen 8 Musharax.

 Tartan adag kadib oo dhexmaray musharaxiinta waxaa wareegii saddexaad usoo gudbay labo Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare oo helay 44  iyo Daahir Cabudlle Cawaalle oo helay 20 Cod

Maxamed Cabdi Waare ayaa  ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle kaasi oo helay 74 Cod halka musharaxii la tarmayay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 Cod, sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Barlamanka Maamulka Cismaan Barre.

Madaxweynaha cusub ee hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa doorashadii tan ka horeysay ee lagu dhisay Maamulka hirshabeelle ka galay kaalinta labaad, waana markii labaad ee uu tartamo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas,

 

Hadaba waa kuma Aawaare,madaxweynaha labaad ee maamulka Hir-Shabelle?, hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka