Wasaarada Waxbarashada Puntland oo shaacisay Deeq Waxbarasho

Ujeedo : Waragalin Deeq Waxbarasho

Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland waxay soo gudbinaysa Deeq Waxbarsho oo loogu talagalay in lagu kobciyo sarena loogu qaado kartida,Tayada iyo xirfadda shaqalaha Dowladda, Deeqdan oo heerka Kowaadee jamacadda ah (Bachelor Degree) .

Wasaaradda oo ka duulaysa hufnaanta qaybinta deeqaha waxbarashada waxay shaqaalaha dowladda ku wargalinaysaa inay soo codsadaan isla markaana keenaan codsiyadooda xarrunta dhexe ee Wasaradda Waxbarashada gaar ahaan xafiiska Tacliinta sare ugu danbayn 01- October-2017 ama ay kusoo diraan araajidooda ciwanada kala ah Mashirdon@gmail.com ama Pneb100@gmail.com.

Shuruudaha deeqda Waxbarsho waxay ku qoranyihiin waraaqda ku lifaaqan qoraalka.

Mahadsanidiin.