Khayre oo Soomaaliya ku matalidoona kulanweynaha Qaramada Midoobey

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka oo ay kaga qeyb gali doonaan Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
 
Masuuliyiin ka tirsan ayaa ka mid ah wafdiga uu horkacayo Ra’iisul wasaare Kheyre, waxaana la filayaa inuu Khudbad dheer uu kaga hadlayo Xaalada dalka iyo Isbedeladii ka dhacay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doona qaar ka mid ah madaxda ka soo qeyb galeysa shirka.
 
Wasiirka arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si hordhac kaga horeeya magaalada New York wafdiga Ra’iisul wasaaraha.
 
Kulanka Qaramada midoobey ayaa caadiyan waxaa ka qaybgala Madaxweynayaasha inta badan,halka ay sidoo kale Dalalka qaar ay ku matalaan Ra’isalwasaarayaal.
 
Madaxweyne Farmaajo oo kulankan ku casunaa ayaa ka baaqsaday,iyadoon si dhab ah loo ogayn waxa kalifay baaqashadiisa,balse waxaa jira culaysyo siyaasadeed iyo mid amni oo Xamar ka taagan iyo guud ahaan Dalkoo idil.