Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuca Balaadhinta Biyo Gelinta Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta 18 September 2017 xadhiga ka jaray mashruuca balaadhinta  biyo gelinta magaalada Boosaaso.

Xadhig jarka Mashruucani ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari, guddoomiyaha hay’adda biyaha, tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah  ee PSAWEN, saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland iyo madaxa Hay’adda UNICEF Puntland Mr. Steven Laurence.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey hay’adda biyaha, tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah  ee PSAWEN, sida haw karnimadale ee ay markasta ugu hawlan yihiin wanaajinta iyo dardar gelinta shaqada ay u hayaan shacabkooda, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in mashruucani lagu taakulaynayo dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Boosaaso.

” Waan ku farax sanahay inaanu xadhiga ka jarno mashruuca biyo gelinta magaalada Boosaaso ee loogu danaynayo dadka masaakiinta ah iyo dadka danyarta ah, waa ku mahadsan tahay hay’adda PSAWEN shaqada ay qabatay” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland

” waxaan kaloo u mahadnaqaynaa cidda kale ee ka qayb qaadatay ee hadda UNICEF ay ugu horayso oo uu nooyimid ninkii dalka u sareeyey, mashruucan furitaankiisana uu kasoo qayb-galay, runtii shaqo badan bay UNICEF nala qabtay oo ku saabsan xagga biyaha, waana ku mahadsan yihiin imaatinkooda iyo kasoo qayb-galkooda”ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale  Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa xaqiijiyey in siyaasadda dawladdu tahay in la gaadho, laga warhayo, wax loo qabto, la taakuleeyo dadka danyarta ah ee aan awoodin baahiyaha aasaasiga ah sida waxbarashada, biyaha iyo nolol maalmeedka, waxaana uu kula dardaarmay Madaxweynuhu masuuliyiinta xukuumadda dawladda Puntland in il gaara lagu eego taakulaynta dadkaasi.

Mashruucani balaadhinta biyo gelinta magaalada Boosaasaso ee ay iska kaashanayaan hay’adda biyaha, tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee PSAWEN iyo hay’adda UNICEF ayaa waxaa looga faa’dayndoona 1,500 oo qoys, waxaana la gaadhsiin doono biyo gelin toosa guri walba oo loo qoondeeyey, kaasi oo kuyaala magaalada Boosaaso, gaar ahana xaafaddaha danyarta ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelinayey xadhig jarka mashruucani ayaa soo kormeey kaydka biyaha mashruucani balaadhinta biyo gelinta magaalada Boosaaso, waxaana uu qaadaa kaydkani 5,000 oo foosto (shankun oo Foost).

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guddoonsiiyey Madaxa xafiiska UNICEF Puntland Mr. Steven Laurence shahaado sharaf, taasi oo u jeedadeedu ahayd hawl karnimada iyo shaqo wanaaga xafiiskiisa.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.