Madaxweyne Shariif Xasan oo ka hor yimid go’aanka Dawlada Fadaraalka ee arimaha Khaliijka

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegey in maamulkaasi uu taageerayo go’aankii xulufada Sacuudiga ay xiriirka ugu jareen dalka Qadar, bishii June.

War-saxaafadeedka, ayaa lagu sheegey in Sacuudiga iyo Imaaradka Carabta uu xiriir soo jireen Soomaaliya kala dhaxeeyo oo ay ka mid yihiin dhaqanka iyo ganacsiga.

War-saxaafadeedka ayaa lagu eedeeyay dowladda Soomaaliya go’aankii dhex dhexaadnimada ay ka qaaday xiisadda dalalka Khaliijka, waxana uu maamulka go’aankaas ku tilmaamay mid aan wax talo ah laga siin maamul goboleedyada.

War-saxaafadeedka maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sidoo kale lagu sheegey in dowladda ay dalbatay in muddo la siiyo si ay u baarto cabashooyinka ay maamulada qabeen.

Waxa uu maamulku sheegey in maaddama ay waqti ka soo wareegatay xilligaasi, ay ka Koonfur Galbeed ahaan aysan heysan dookh kale oo aan aheyn inay Imaaradka iyo Sacuudiga ku taageeraan dagaalkooda ka dhanka ah xagjirnimada nooc kaste oo ay tahayba, islamarkaasina ay go’aankii arrintaasi ka gaaren ay ku taageerayaan.

 

 

 

Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-