Odowaa oo ka cudurdaartay Gudiga baarista dhiibista Qalbidhagax ee lagu daray

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Fadaraalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay inuu ka cudur daaranayo xubinimada Guddiga loo saaray kiiskii Qalbi Dhagax iyo qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay 6-dii bishan.

Mr Odawaa ayaa sheegay inuu safar shaqo oo uu dibadda ah uu ku maqan yahay, isla markaana aanay u saamixi karin inuu Guddigaas kala shaqeeyo arrinta loo xil saaray, isagoo xusay inuu ka cudur daaranayo.

“Safar shaqo ayaa dibadda ugu maqanahay, inaan guddigaas ka mid noqdo waa ka cudur daaranayaa, anigoo aysan ii saamaxeyn inaan guddigaas la shaqeeyo iyo mudada guddigaas loo qabtay oo aan dalka ka maqanahay”ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.