Sawiro:-Minisota oo si weyn looga taageeray Musharaxnimada Duqa kismaayo ee Cabdiweli Axmed Warsame

Kullan lagu soo dhaweynayey Murashaxa u taagan hanashada xilka Duqa Degmada Kismaayo ayaa lagu qabtay magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnasota.
 
Xafladaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnasota ee Cariga Maraykanka.waxaana ka soo qayb-gallay Madaxda Gobolka.
Dadkii goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Abdi Warsame Gudoomiyaha degmada 6-aad ee magaalada Minneapolis,guddoonka wax barashada Siyaad Ali, Odayaal,dhallinyaro iyo haween.
 
Waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin Musharax Cabdiweli,maadaaba sida ay sheegeen uu ka mid yahay jaaliyadda,isla markaas-na ay garanayaan kartidiisa iyo aqoontiisa.
 
Dhanka kale qoobka ciyaarka ayaa waxaa goobta ku soo bandhigay dhallinayarada Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaiyeed ee Gobolka.
 
Cabdiwali Ahmed Warsame ayaa sheegay in haddii uu ku guulaysto xilkaan uu wax baddan ka qaban doono Bilicda Magaalada iyo arrimaha Bulshada,wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey in uu aqoon baddan u leeyahay degmada iyo dadka.
 
Dhanka kale wuxuu goobta ka sheegay in uu xiriir fiican la leeyahay Madaxda Hoggaanka haysa Jubaland sida Madaxweynaha iyo Ku xigeenadiisa.
 
Cabdiwali ayaa horay u ahaa Guddoomiyaha Jaaliyadaha Jubbaland ee Waqooyiga Maraykanka.