Xamaas iyo Fatax oo wada gaaray heshiis muhiim u ah

Garabka hubeysan ee Xamaas, oo maamula magaalada Gaza ee dhulka Falastiin ayaa shaaciyay, in uu kala direyo maamulkiisa si uu u qabto doorasho guud taasi kadib markii heshiis laga gaarey khilaafkii u dhexeeyey Xamaas iyo Fatax.

 Talaabadan ayaa loogu talagalay soo af-jarista khilaafka siyaasadeed iyo midka dhuleed ee ka dhex oognaa Xamaas iyo ururka Xoreynta Falastiin ee Fatax loo yaqaanno ee uu hogaamiyo madaxweynaha falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas.

Go’aankani ayaa lagu tilmaamayaa in uu yahay mid dhabaha u xaareya dhismaha xukuumad loo dhan yahay oo ay wada yeelanaeyaan garabyada Falastiin ee kala maamula magaalada Gaza iyo Daanta galbeed.

Khilaafka labada dhinac ayaa soo billowday sanadkii 2007-dii, kadib markii Xamaas oo markaa cod buuxa lagu doortay ay ka saartay Fatax guud ahaa marinka Gaza.

Marinka Gaza ee Falastiin waxaa ka jirta xaalad bani’aadanimo oo aad u adag, waxaana ka jirta baahi weyn oo ka dhalatay korontada oo dhulkaasi intiisa badan ka maqan.

Dowladda Masar ayaa dowr muuqda ku leh heshiiskaasi, kadib markii ay garwadeen ka noqotay wada hadalo in muddoo ah labadaasi dhinac uga socday magaalada Qaahir ee Dalkaasi Masar.