Maraykanka”Waa in ay dawlada Itoobiya qaadaa talaabo ay ku xaqiijinayso Dimuqraadiyada iyo Dal loo siman yahay”

Dowladda Mareykanka ayaa u sheegtay Itoobiya in ay baarto 55 qof oo la sheegay in ay ku dhinteen dagaal qowmiyadeed ka dhacay Bariga dalkaasi.
 
Ugu yaraan 50 kun oo kale ayaa barakacay tan iyo markii dagaalka uu ka dhacay xuduudda gobolada Somalida iyo Oromada ee Itoobiya.
 
War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xun.
 
Dowladda Itoobiya ayaa laga dalbaday in ay la xisaabtanto dadka masuulka ka ahaa rabshadaha ka dhacay Bariga Itoobiya ee dadka lagu dilay.
 
Dadka ku nool goobaha ay dagaalladu ka dheceen ayaa sheegay in boqollaal qof la dilay.
 
Maamullada deegaanada Soomaaliya iyo Oromada ayaa isku eedeeyay in la adeegsaday maleeshiyaad iyo ciidamada maamullada si ay u qaadaan weeraro aargoosi ah.
 
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa isbuucii tagay amray in booliska Federaalka uu kormeer ku sameeyo deegaanada lagu dagaallamay, militarigana uu hub ka dhigis sameeyo.
 
Xuduudda labada maamul ay wadaagaan ayaa aad u dheer. Afti la qaaday 2004-tii si xiisadda ka dhexeyso Oromada iyo Soomaalida loo dejiyo ayaa fashilantay.
 
Dhanka kale mucaaradka Xukuumada ka talisa Itoobiya ayaa sheegaya in isku dhacyadan ay ka danbayso dawlada qudheeda,iyadoo rabta indhaha shacabka iyo caalamka in ay ku jihayso meelo kale kana jihayso kacdoonka looga soo horjeedo iyo faashilka ka haysta gudaha dalka.
 
Ra’isalwasaare Desale oo kasoo jeeda Qawmiyada Bishaanguliga oo ah  mid ka mid ah kuwa laga tirada badan yahay ee Dalkaas, ayaa lagu tilmaamaa nin aan go’aanka udanbeeya lahayn markay timaado hogaaminta dalka,iyadoo loo arko maqaarsaar ay gadaal ka hayaan siyaasiyiinta Qawmiyada Tigreega,kuwaasoo gacanta ku haya Wasaaradaha muhiimka ah,dhaqaalaha dalka iyo awooda Ciidamada fadaraalka.
 
Itoobiya waxaa ka dhacayay dibad baxyo dowladda ka dhan ah tan iyo 2014, Mareykankana wuxuu sheegay in dagaalka ugu dambeeyay uu muujinayo in dowladda looga baahan yahay in ay tallaabo muhiim ah qaado si loo helo dimuquraadiyad iyo dal loo siman yahay