Shirka Baarlamaanada dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo soo xirmay

Waxaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ku soo idlaaday shirkii baarlamannada wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo Saddex maalmood ka socday halkaas.
 
Soomaaliya ayaa shirkan waxaa ku matalayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya.
 
Arimaha shirkan looga wadaxaajooday ayaa waxaa ka mid ahaa:-
 
B.Amniga dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD,
T.la dagaalanka tahriibka dhalinyarada,
 
J.Cimilada iyo saadaasha hawada waddamada IGAD.
 
X.La dagaalanka gudniinka fircooniga ah.
 
Kulankan oo ahaa kii 9-aad ayaa ugu danbeyntii waxaa laga soo saaray war-murtiyeed qeexaya qaabka lagu dhimi karo mushkiladaha ka jira wadamada Urur Goboleedka IGAD ee dhaca Bariga Africa.
 
Kulanka Baarlamaada urur Goboleedka IGAD ayaan ahayn mid waxtar ah,waana mid ka mid ah fagaarayaasha layskugu faano Suudadka qurxoon iyo Shaah cabka.