Urur siyaasadeed cusub oo looga dhawaaqay garowe

Xarunta PDRC ee garowe ayaa waxa ka socda xaflad lagu soo bandhigayo Urur siyaasadeed cusub,kaasoo lagu magacaabo Ururka Midnimo.
 
Ururkan ayaa noqon doona Xisbi hadii uu buuxiyo shuruudaha loo dajiyay hirgalinta Xisbiyada Puntland.
 
Cabdirashiid Maxamed Cali waa nin dhalinyaro ah oo Gudoomiye ka ah Ururkan cusub ee maanta lagu dhawaaqay.
 
Cabdiraxmaan Diiriye Shuuqe Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Ururkan cusub,isla markaana sheegay hadii uu buuxiyo shuruudaha furashada Xisbiyada in uu si buuxda u noqon doono Xisbi Siyaasadeed.
 
Ururkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee looga dhawaaqo garowe tan iyo xiligii Xukuumadii Madaxweyne Faroole ay isku dayday in ay hirgaliso nidaamka Xisbiyada badan ee looga gudbayo habka Qabaliga ah.
 
Madaxweyne Gaas ayaa olalihiisi Doorashada iyo kadib in badan ku celceliyay in uu hirgalin doono nidaamka Xisbiyada badan,isagoo hal beeg ka dhigtay Guushiisa hogaaminta Puntland in ay ku xiran tahay hirgalka nidaamka Xisbiyada badan.
 
Xukuumada Madaxweyne Gaas ilaa iyo hada Xisbi Xukuumadu leedahay kuma dhawaaqin kaasoo saldhig u noqon lahaa bilawga hirgalinta nidaamkan,isla markaana dhiirigalin lahaa siyaasiyiinta danaynaya furashada Xisbiyada.