Video:-Hogaamiyaha xasuuqa ugaysatay Muslimiinta Rohinga ee Myanmar oo ka hadashay xasuuqaas

Hogaamiyaha dalka Myanmar, Aung San Suu Kyi ayaa sheegtay “in aysan ka baqaynin cambaaraynta caalamiga ah” ee ku aadan sida dawladdeedu u maaraysay dhibaatada ka sii daraysa ee Rohingya.
 
Waa markii koobaad ee ay ka hadasho xaaladda ka taagan waqooyiga gobolka Rakhine ee horseeday in in kabadan 400,000 oo ruux oo qawmiyadda Rohingya ee Muslimiinta ah ay u tallaabaan xadka Bangladesh.
 
Waxay sheegtay in ay doonayso in ay Muslimiinta la hadasho oo ay waydiiso sababta ay u tagayaan.
 
Bulshada caalamka ayaa aad u dhaliishay hogaamiyaha Myanmar, Suu Kyi,hadalkeeda hadana waxuu umuuqdaa mid jees jees iyo kibir ka buuxo,sidoo kale waxay yastay oo hoos u dhigtay Beesha Caalamka oo ugu baaqday in ay waxkaqabato isir sifaynta lagu hayo Qawmiyada Rohinga,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka