Video:-Oromadii ku noolayd Hargaysa oo bilaabay in ay iskaga qaxaan halkaas

Kadib markii Ganacsato Somaliya oo ka mid ah kuwa ka Ganacsada Qaadka ay Kooxo Oromo ah ku laayeen Magaalada Awaday ee Qaadka Awadaygu ka baxo,ayaa waxaa sii xoogaysanaya isku dhacyada labada Qawmiyadood ee Oromada iyo Somalida,kuwaasoo hada isku badalay Colaad toos h oo dhextaal labada Qawmiyadood.

Waxaa ka qaxay kumanaan Oromo ah oo ku noolaa Gudaha Dhulka Somalida ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee Waqooyi Galbeed Somaliya,sidoo kale waxaa iyaguna kasoo qaxay Kilinka Oromada Somali fara badan oo halkaas Ganacsi iyo Deegaan rasmiya kulahaa.

Colaadan oo sii xoogaysanaysa ayaa waxaa ka hadlay maamulada labada qawmiyadood iyo Dawlada Fadaraalka Itoobiya,sidoo kale beesha caalamka ayaa ugu baaqday in dawlada Itoobiya ay la xisaabtanto kuwii ka danbeeyay hurinta Colaadan.

Hoos ka daawo muuqaalka Oromadii ku noolayd Somaliland oo qaxaysa.

 

 

 

 

 

 

Hakan ka daawo muuqaalka