Dhiibistii Qalbidhagax oo salfatay shir ay iskugu imaan lahaayeen madaxda Somalida

Waxaa baaqday kulan ay iskugu imaan lahaayeen Madaxda Fadaraalka ugu saraysa iyo Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka.
 
Kulankan oo loo balansanaa in u dhaco todobaadkii lasoo dhaafay ayaa u baaqday kadib markiii ay madaxdu isla fahmi waayeen arinta dhiibista Qalbidhagax oo ay codsadeen madaxda Fadaraalku in lagu daro ajandaha looga xaajoon doono Kulankaas.
 
Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ayaa isku mawqif ka noqday arinta Qalbidhagax,iyagoo si cad udiiday in lagu soo daro ajandaha kualanka arinta dhiibista Qalbidhagax.
 
Ugu danbayntiina waxaa halkaa ku fashilmay kulankii madaxda Somalida ee muhiimka ahaa.
 
Warar kale ayaa sheegaya in goor danbe oo maanta ah in ay madaxdu isla garatay in dib loo qabto shirka arinta Qalbidhagax loo daayo Baarlamaanka Fadaraalka go’aanka uu ka qaato.
 
Baaqashada kulankan ayaa muujinaya sida aysan Somalidu waxba heshiis ugu ahayn,isla markaana Farmaajo iyo xukuumadiisu aysan waxba kusoo saa’idin nidaamka Dawliga ah ee Dalka.