Falanqeyn Mucaaradks Dawlada Faderaalka oo ku jahwareera shirka Qaramaha Midoobey.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in afar dal oo ay ku jirto Soomaaliya aanay wax cod ah ka dhiiban karin shirka sanadlaha ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey United Nations General Assembly (UNGA).


Qoraal uu soo saarey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey 7-dii bishan September ayaa waa lagu sheegay in afarta dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya inay bixin lacagaha qaaraanka ee ku waajibtay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey.

Arinka maaha Qalad ay Sameeyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare khayre Dawladii ka horeysay ayaan bixiin lacagtaa 2015 – 2016

Wadanka soomaaliya ayaa waxaa lagu leeyahay qaaraan lacageed oo Gaaraya 2milyan $

arinka lacagta aan la bixin wuxuu sababay mar shalay cod looqaadayey xaalada wadanka Burma.

inay tahay xasuuq bila’aadam lagu Tilmaamo oo Dawlada Burma sameysay!

Waftiga soomaalida ee shirka joogay may codeen sida ku muuqada shaxda sida wadamadu u codeeyeyn arinkan ayey wax weyn la ah mucaarad dawlada Faderaalka.

Dawlado shirka Fadhiya ayuu madaxweyne Donald Trump ku af laadeeyey isagoo ku Tilmaamaya dawlado Burcad ah oo aduu ka cadow ah Haday cid Fadeexad sameysay khudbadii Madaxweyne Trump waxay ahay wax ceeb ah in madaxweyne amuusa caayo shacab xor ah oo dawlad Haysta.

Waxaan falanqeyn ku soo koobayaa in shaca ka soomaaliyeed muxaaf iyo mucaarad inaan wada leenahay inaan ilaalino sharafta wadankeena iyo dadkiisa maaha inaan waraaqo ku Qayb bino waxbaahinta bulshada anagoo mucaaradnimo moodayna inaan wax yeelayno sharafta dawladnimada soomaaliya.

 

 

Dhinaca kale, Golaha Guud ee QM waxa uu awood u leeyahay Fasax ay ugu oggolaan karaan dal ka mid ah dalalkaasi inuu cod ku yeesho Shirweynaha Golaha Guud ee QM, haddii la ogaado inuusan dalkaasi ku guul-daraystay inuu iska bixiyo Qaaraanka lagu leeyahay.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Soomaaliya u matalaya shirka golaha Guud ee Qaramada Midoobey, iyadoo lagu wado in Ra’iisul Wasaaruhu uu khudbad ka jeediyo shirka maalinta jimcaha ee soo socota.

Arinka ayaa koox mucaarada Waxay ku qaybinayaa twitter iyagoo ku muujinaya inay Dawlada Faderaalku ku Fashilantey shirkaan ka qeyb galkiisa maadama aaney wax coda ku lahayn.

Hadalkan Dooda dhaliyey waxaa ka jawaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Mudane abukar Baale

wuxuu sheegay inuu arkay qoraalka uu soo saarey Xogayaha guud ee Qaramaha Midoobay uuna og yahay in sharciga Qaramada Midoobe uu dhigayo in dalkii bixin waaya lacagtaas, uusan cod ku laheyn kulanka Qaramada Midoobe. Qodobada loo codaynayo marka cod yimaado.

Danjire abukar Baale .ayaa sheegay inay codsanayaan in dib loo dhigo bixinta lacagtan Dhaqsana u bixinayaan

 

WD.M.Caalim