Mid ka mid ah shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade oo qarax lagu dilay

Inta la xaqiijiyay 1-qof ayaa ku dhintay 2-kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax gaari lagu xirey uu ka dhacay Nawaaxiga isgoyska Xaafadda Maana-booliyo dhinaca degmada Boondheere ee gobalka Banaadir.
 
Qaraxa ayaa la xaqiijiyay In gaarigiisa loogu xirey sarkaal ka shaqeynayay garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho ee aadan cadde oo lagu magacaabi jirey Abuu Shiine kaasi oo qaraxa ku dhintay, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka maamulka Gobolka banaadir C/fitaax Cumar Xalane
 
Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamada miino baarista Dowladda federaalka Soomaliya kuwaasi oo halkaas ka sameeyay baaritaano iskastoo aan si dhab ah loo ogeyn cida ka dambeysay qaraxa gaarigiisa loogu xirey sarkaalka geeriyooday.
 
Mudooyinkii dambe waxaa magaaladda muqdisho ka dhacayay qaraxyadda gawaarida loogu xirey dadka u shaqeeya Dowladda Fadaraalka Soomaliya,