Video:-Daawo khudbadii Madaxweyne Trump ee Qaramada Midoobey

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u sheegay golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobey in uu burburin doono Kuuriyada Waqooyi haddii lagu qasbo in ay isdifaacaan ama ay difaacaan saaxibada Mareykanka.
 
Waxa ay ahayd khudbad kulul oo uu ku tilmaamay hogaamiye , Kim Jong-un, “Nin sita gantaal islamarkana ku jira howlgal ismiidaamin ah.”
 
Kuuriyadda waqooyi ayaa tijaabisay Nukliyeerka iyo gantaalo iyada oo ku gacansayrtay qaramada midoobe.
 
Ka hor inta uusan khudbadda jeedin Mr Trump, ayaa waxa hadal jeediyay xoghayaha guud ee qaramada midoobe Antonio Guterres oo ku baaqay in laga hortago dagaal dhaca.
 
Madaxweyne Trump waxa kale oo uu weerarey Iiraan iyo waxa uu ugu yeeray hogaankeeda dilaaga ah, waxa uu yiri Iiraan waxay isku deydey in ay deganaansho la’aan ka abuurto Bariga Dhexe oo dhan.
 
Donald Trump ayaa ugu baaqay Iiran in ay joojiso taageerada ay u fidiso argagixisada islamarkana waxa uu canbaareeyay heshiiskii uu Obama la galay Iiraan.
Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu hormuud u noqonayo dhamaan dalalka Caalamka sidii gargaar dhanka bani’aadanimada ah loo gaarsiin lahaa qaar kamid ah Dalalka Africa, sida Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Nigeria, Yemen iyo kuwo kale.

“Howlgalka nabad ilaalinta QM iyo Midowga Africa wuxuu dowr muhiim ah ka qaatay sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalalka Africa ee xasaraduhu ay kajiraan, dowladda Mareykanka waxay hogaan u noqon doontaa sidii Caalamka intiisa kale uu gargaar bani’aadanimo ula garab istaagi lahaa wadamada Soomaaliya, South Sudan, Yeman iyo Nigeria, dowladda Mareykanka waxay ka mid tahay 193 wadan oo ka mid ah QM, 20% waxaa bixiya Mareykanka miisaaniyadda QM”, Ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Wuxuu soo hadal qaaday oo kale arrimaha la dagaalanka argagixisada wuxuuna ku ammaanay wadamada ka qeyb qaadanaya ka hortaga qataraha kooxaha Argagixisada, isagoo intaasi ku daray inay gacan ka qeysanayaan sidii dadka qaxootiga ah ee dalalkooda ka soo cararaya dib u dejin loogu sameyn lahaa dalkooda.

Waxaa uu si kulul u weeraray siyaasadda hogaamiyaasha wadamada Kuuriyada Waqooyi, Iiraan, Venezuela iyo Cubba, wuxuu xusay in Mareykanka uusan u dulqaadan doonin daan-daansiga Kuuriyada Waqooyi,hoos ka daawo muuqaalka khudbada Madaxweyne Trump.

 

Halkan ka daawo Muuqaalka