Video:-Dhul Giriig ku dhuftay Dalka Mexico oo sababay Geeri fara badan

Volunteers search a building that collapsed after an earthquake, in the Roma neighborhood of Mexico City, Tuesday, Sept. 19, 2017. A magnitude 7.1 earthquake has rocked central Mexico, killing at least 55 people as buildings collapsed in plumes of dust and thousands fled into the streets in panic. (AP Photo/Eduardo Verdugo)

Wararka ka imanaya dalka Mexico ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dhul-gariir xooggan, oo cabbirkiisa lagu qiyaasay illaa 7.1 Magnitude. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa in dhimashadu ay haatan marayso illaa 134 qof.

Dhul-gariirka ayaa sababay inay burburaan dhismayaal kala duwan oo ku yaalla caasimadda dalkaas, haatanna waxaa socda gurmadka loo fidinayo dadka dhismayaashu ku dumeen.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka kuwaas oo ay ka muuqatay cabsi xooggani, isla markaana malaayiin qof ayaa waayay korontadii.

Maayarka magaalada Mexico City ayaa sheegay in illaa 44 dhisme ay si weyn waxyeello u soo gaadhay ama ay guud ahaanba burbureen, sidoo kale waxaa dhacay in qaar ka mida dhuumaha shidaalka qaada inay dillaaceen, meelaha qaarna uu dab ka dhashay.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ayaa u sheegay telefiishan gudaha dalkaas laga leeyahay in kooxaha gurmadku ay ka shaqaynayaan sidii ay dad nool uga baadhi lahaayeen burburka.

Dhulgariir kale oo xooggan oo bishan September 7-deedii ka dhacay dhinaca Koonfureed ee Mexico ayaa la sheegay inay ku dhinteen illaa 98 qof.

Dhismayaasha ku burburay caasimadda dalka Mexico waxaa ku jiray dabaqyada dhaadheer ee la degan yahay, Dugsiyo, wershedo iyo goobaha laga dukaamaysto,hoos ka daawo muuqaalka dhul giriirka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka