Video:-Qorshihii dib u dhiska Booliska Soomaaliyeed oo fashil ku dhaw

Waxaa ka furmay Muqdisho shir ay iskugu yimaadeen Saraakiisha Booliska Fadaraalka iyo kuwa Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka.

Shirkan ayaa looga arinsanaya ama lagu dardargalinayaa sidii looga dhabayn lahaa qorshe ay horay ugu heshiiyeen Dawlada Fadaraalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah ee dhigayay in la dhiso Ciidan Boolis ah oo gaaraya 32000 oo Askari.

Qorshaha dib u dhiska Ciidanka Booliska Somaliyed ee heer Fadaraal iyo heer Dawlad Goboleed ee ay horay ugu heshiiyeen Dawlada Fadaraalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ayaa waxaa taageeray beesha caalamka,balse waxaa ragaadiyay jahwareer ka jira sida loo fulinayo qorshahaas,waxaana eeda dib u dhaca iyo jahwareerka loo jeedinayaa Dawlada Fadaraalka oo ka leexatay dhabihii saxda ahaa ee qorshahaas ku hirgali lahaa.

Waxaa Todobaad ka hor baaqday shir muhiim ahaa oo ay iskugu imaan lahaayeen madaxda Booliska ee Heer Fadaraal iyo heer Dawlada Goboleed,hoos ka daawo muuqaalka shirkaas oo faahfaahsan.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka