Kuuriyada Waqooyi oo hadalkii Trump aflagaado uga jwaabtay

This undated picture released from North Korea's official Korean Central News Agency (KCNA) on August 4, 2016 shows North Korean leader Kim Jong-Un (C) delivering a speech at the 3rd Meeting of KPA Activists in O Jung Hup-led 7th Regiment Title Movement at the April 25 House of Culture in Pyongyang. / AFP / KCNA / KCNA (Photo credit should read KCNA/AFP/Getty Images)
Diblomaasi u dhashay Kuuriyada Waqooyi ayaa ku tilmaamay khudbaddii uu madaxwayne Trump ka jeediyay shirka Qaramada Midoobey in uu ahaa “siidii eey ciyay oo kale “.
 
Madaxwayne Trump oo ka hadlayay kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxa uu sheegay in”gabi ahaan ba uu burburin doono Kuuriyada wuqooyi haddii ay khatar galiso Mareykanka iyo saaxibadii.
 
Hadalka ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Ri Yong-ho waa jawaabtii ugu horeeysay ee ay ka bixiyaan khudbaddii Trump.
 
Kuuriyada Waqooyi ayaa wali sii wada balaarinta barnaamijka hubkeeda Niyukleerka ,waxa ayna ku gacan seyrtay mamnuucidii ay ku soo rogtay Qaramada Midoobe.
Mr Ri oo wariyayaasha kula hadlayay magaalada New York ayaa yiri “xitaa marka uu Eyga ciyayo gaardiska wuu sii soconayaa’.”
 
“Haddii Trump uu u malynayo in uu nooga yaabin karo codka sida Eey ciyay markaas wuu riyoonayaa .”ayuu yiri Mr Ri.
Mar uu ka hadlayay madaxwyne Trump hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayuu ku tilmaamay nin gantaal sita oo ku jira howlgal ismiidaamin ah.
 
Mar la waydiiyay wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi sida uu arko hadalka Trump ayaa waxa uu ku jawaabay “, Mr Ri “waxaan u naxsanahay kaaliyayaashiisa.
 
Wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu wadaa in khudbad uu u jeediyo golaha guud ee Qaramada Midoobe jimcaha barito ah.