Maamulka Cadaado oo ka hor yimid go’aankii Dawlada Fadaraalka Ee khilaafka Khaliijka

Dawladda Fadaraalka Soomaaliya waxay go’aan ka gaartay 6-dii bishii June, iyadoo aan la tashanin dowlad goboleedyada Soomaaliya, waxay saameyn doontaa dhamaan Soomaalida oo dhan meel kasta”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Shirkii Madasha Hoggaanka Qaranka ee lagu qabtay Muqdisho ay ku wargeliyeen in Xukuumadda Soomaaliya aanay mowqif dhex dhexaad ah ka qaadan karin arrimaha Khaliijka, sababo ku aadan xiriirka taariikhiga ah iyo istiraatiijiga ay la leeyihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

War saxaafadeedka ayaa waxaa kaloo lagu xusay in Soomaaliya xiriir ganacsi oo weyn la leedahay Imaaraadka Carabta 20-kii sanno ee u dambeeyay, iyadoo aan la iska indho tireyn horumarka iyo amniga ay Imaaraadka Carabta la garab taagan tahay dowladda iyo Bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan si cad u qireynaa in Soomaalidu iyo Sucuudi ay leeyihiin xiriir wanaagsan, oo dib ugu noqda bilowga Islaamka iyadoo lala xiriirinayo xiriiro dhaqameed oo dheeri ah iyo ganacsi ilaa hadda”ayaa lagu yiri War saxaagafeedka.

 

 

Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-