Video:-Maamulka Gobolka Mudug oo balan ku qaaday in ay ka hor tagayaan weerarada maleeshiyada maamulka Cadaado

Maamulka iyo waxgaardka Gobolka Mudug ayaa shir saxaafadeed ay ku qabteen xarunta Gobolka waxay kaga hadleen maleeshiyo kasoo jeeda maamulka Cadaado oo habeen hore weerar gaadmo ah ku sameeyay Gaari Dad shacab ah ay la socdeen oo marayay wadada wadaagsin ee isku xirta Bariga Mudug iyo xarunta Gobolka ee Gaalkacyo.

Masuuliyiinta Gobolka iyo waxgaradka hadlay ayaa fariin adag udiray maamulka Cadaado,waxayna yiraahdeen ”Hadii aad nabadii waayahan la waday iyo dadaaladii socday aad rabtaan in aad fashilisaan waan idinku soo dhawaynaynaa waana layska kiin dhicin doonaa”.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Mudug iyo waxgaradka,ayaa fariin udiray guud ahaan reer Puntland waxayna ugu baaqeen in ay udiyaar garoobaan difaaca dhulkooda iyo iska caabinta gardarada maleeshiyada maamulka Cadaado..

Tan iyo intii ay dib ubilaabatay wada hadalada u dhaxeeya labada maamul ee lagu xoojinayo amniga Gobolka ayay maleeshiyada beesha Sacad fuliyeen ilaa sadex weerar oo ay ku dileen dad kasoo jeeda reer Puntland,kuwaasoo uu  ugu danbeeyay weerarkii habeen hore.

Hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee maamulka iyo waxagaradka Gobolka Mudug.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka