Video:-Madaxweynaha cusub Ee Hir-shabelle oo gaaray magaalada Beledweyne

Madaxweynaha cusub ee dowlada Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweynew Waare ayaa waxaa si weyn Garoonka Dayuuradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ugu soo dhaweeyay Maamulka gobolka, kan degmada iyo qeybaha bulshada.

Waare ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Beledweyne waxa uu la kulmi doonaa Qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlayo wada shaqeynta maamulka cusub.

Socdaalkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Hirshabeelle ku tago magaalada Beledweyne, tan iyo markii lix maalmood ka hor lagu doortay magaalada Jowhar,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka