War deg-deg ah:-Safarkii Madaxweyne Farmaajo uu ku tagi lahaa 27 September oo la fashiliyey

Safarkii Madaxweyne Farmaajo uu ku tagi lahaa 27 September oo la fashiliyey. Kadib markii shirkii Golaha Wasiirada ee Muqdisho maanta mar kale lagu sii fogeeyey mowqifkii horay Madaxweynaha ugu qaatay arrinta waddamada Khaliijka.
 
Maanta ayaa la filayey in la khafiifiyo go’aankii hore ee Dowladda. Nasiib darro, Fahad Yasiin iyo xulafadiisa ayaa xalay olale culus ku qaaday xubnaha Wasiirada kadibna ku cadaadiyey inaan Qatar laga hor imaan.
 
Go’aanka Golaha Wasiirada Xamar ee ay kusii xoojiyeen go’aankii hore ee Dawlada Fadaraalka ay ka qaadatay arimaha khilaafka Dawladaha khaliijka ayaa ku ah wajigabax safarka Madaxweyne Farmaajo ee la qorsheeyay in uu ku gaaro 27 bishan Dalka sacuudiga.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa qorshaysanayay in uu hadiyad uga dhigo Sacuudiga wax ka badalka go’aankii hore ee Dawlada Fadaraalka,balse waxaa lugaha usaaray Fahad yaasiin iyo kooxda kale ee Madaxweynaha garbaduubka ugu haysta Villa Somaliya.
 
Shalay ayaa Farmaajo qoorta waxaa loo geliyey Qalbi Dhagax arintiisii, maantana waxaa la fashiliyey Safarkiisii Sacuudiga, arimahas oo dhan waxay banaanka soo dhigayaan waxa ka dhex jira Villa Somaliya iyo foolxumada Madaxweyne Farmaajo ku dhex haysata..
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa go’doon sii galaya waxuuna garbaduub ugu dhex xiran yahay Xaafiiska magac u yaalka sii noqonaya ee Villa Somaliya.