Dhagayso:-Madaxweyne Waare oo sidii la filyay taageeray danaha Fahad Yaasiin iyo kooxdiisa

”Xiriirka Caalamiga ah waxaa iska leh Dowlada Dhexe doorka uga furan maamul goboleedyada waa talo bixin waa farsamo waa danahooda iyo mashaariicdooda ay soo gudbiyaan.”ayuu yiri Madaxweyne Waare dhowr maalmood kahor inta aan la dooran isagoo ka qeybgalayay barnaamij dood ah oo loo qabtay musharaxiintii ka qeybgashay tartanka doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ku taliyay in la dhowro dastuurka dalka u yaala oo qeexaya awoodaha Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ay kala leeyihiin.

“Waxaa lagu heshiiyay dastuur weli qabyo ah,dastuurkana waxa uu qeexayaa masuuliyada ay leedahay dowlada dhexe,waxa kale oo uu qeexayaa awoodaha ay leeyihiin Maamul Goboleedyada.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Wareysi uu sidoo kale siiyay Madaxweyne Waare idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayuu ku sheegay in mowqifka dhexdhexaadnimada dowlada Federalka arrimaha  Bariga Dhexe ay wanaagsanaan lahayd in labada dhinac ee iskhilaafsan ay ku qanacsan yihiin balse haddii hal dhinac uu ku qanacsan yahay ay tahay arrin aan wanaagsanayn.

 

Waare ayaa ah siyaasi ay soo abaabushay Villa Somaliya,waxaana uu badaly Madaxweyne Cosoble oo ahaa siyaasi ka fogaa Villa Somaliya iyo kooxda Fahad Yaasiin.

Hadalka waare kasoo yeeray ayaa ah mid dadku inta badan filayay maadaama uu yahay nin ay soo diyaarsadeen kooxda Fahad Yaasiin noqoshadiisa madaxweynaha Hir-shabelle ay ku bixiyeen dhaqaale fara badan,hoos ka dhagayso codka Madaxweyne waare.

 

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Waare