Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo ku amaanay Ra’isalwasaaraha Somaliya wada shaqaynta wanaagsan ee uu ka muujiyay xiriiirka labada dal.

Ra’isalwasaaraha Itoobiya Haylumaryam Desale ayaa uga mahadceliyay Ra’isalwasaaraha Somaliya wada shaqaynta wanaagsan ee uu ka muujiyay xiriiirka labada dal.
 
Kulan ka dhacay NewYork ayay labada hogaamiye uga wada hadleen xiriirka labada dhinac oo ugu horeeyo amaanka guud ee Geeska Africa.
 
Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desaleng iyo Ra’iisal wasaare khayre ayaa isla gartey in la der galiyo dhamaan heshiisyada labada dhinac ee ku aadanaa la dagaalanka kooxaha argagixisada ee khatarta ku ah amniga labada dal iyo guud ahaan Gobalka Geeska africa
 
Ra’isalwasarae Desale ayaa ku tilmaamay Ra’isalwasaare Khayre Nin dhalinyaro ah oo maskax furan ayna ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo la dagaalanka kooxaha khatarta ku ah amniga guud ee Geeska Africa,si gaar ah Desale waxuu uga mahadnaqay Khayre iyo xukuumadiisa talaabadii ay ka qaadeen xubintii muhiimka ahayd ee ka tirsanayd Ururka ONLF ee gacanta Dawlada Itoobiya lasoo galiyay.
 
Qalbidhagax ayaa ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Ururka xoraynta Ogaden ee ONLF,waxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka ay aadka udoon doonayeen sirdoonka Itoobiya waayahan danbe,soo dhiibsitiisuna waxay u ahayd guul lama filaan ah.
 
Ra’isalwasaare khayre ayaa wali ku guda jira booqashadisii New York ee uu kaga qaybgalayo shirweynaha Qaramada Midoobey,isagoo halkaas kulamo goon gooniya kula qaatay madax ka tirsan caalamka.