Ciidamada Difaaca Puntland oo hawlgal ka fuliyay Bariga Mudug

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa fuliyay hawlgal ay kaga hortagayeen maleeshiyo kasoo jeeda maamulka Cadaado oo Deegaanka Jeexdin ku lahaa fariisin,kuwaasoo jidka ugali jiray xiliyada habeenkii ah Gaadiidka shacabka ee u kala goosha Magaalada Gaalkacyo iyo Bariga Mudug.
 
Hawlgalkan ayaa Ciidamadu waxay ku dileen 5-ka mid ah maleeshiyadaas,sidoo kale waxay kaga qabsadeen Hub iyo saanad Milatari.
 
Ciidamada Difaaca Puntland ayaa dhankooda waxaa ka dhaawacmay 2-sarkaal oo dhaawacooda lasoo gaarsiiyay isbitaalka Guud ee Gaalkacyo .
 
Maleeshiyada ay Ciidamadu weerareen ayaa ahaa kuwii labo habeen ka hor jidka ugalay gaadiid dadweyne oo isiticmaalayay wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Bariga Mudug,iyagoo jidgooyadaas ku dilay 3-qof oo mid uu haween yahay.
 
Xaalada Gobolka ayaa hada degan gaar ahaan Magaalada gaalkacyo mana jirto wax xiisad ah oo ka taagan.