Madaxweynaha Fadaraalka oo kulan la qaatay Wasiirada Dastuurka iyo Gudiga Dastuurka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maanta Madaxtooyada Soomaaliya Kulan kala qaatay Guddiga Dastuurka Baarlamaanka iyo Wasiiradda Arrimaha Dastuurka u qaabilsan Maamul Gobolleedyada Dalka ka jira,waxaana sidoo kale Kulanka Goobjoog ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi,Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka ayaa looga hadlayay Dardar gelinta Dastuurka KMG Soomaaliya iyo in laga heshiiyo waxyaabaha Muranku uu ku jiro sida Qeybsiga Kheyraadka Dalka,Mideynta Canshuuraha,Matalaada Gobolka Banaadir iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Kulanka ka sheegay in Dhamaan ka qeyb galeyaasha laga doonayo in ay Mideeyaan Mowqifkooda ku aadan Arrimaha kor ku xusan,Maadaama Bisha Octobar ee soo socota 8-deeda Magaalada Muqdisho lagu qaban doono Shir dib loogu Eegayo Dastuurka KMG Dalka.