Madaxweyne Shariif oo ka hor yimid go’aanka Dawlada Fadaraalka Ee khilaafka khaliijka

Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow bartiisa Facebook waxa uu soo dhigey qoraal kooban oo uu ku muujinayo fikirkiisa ku aadan arrinta culeyska leh ee ah go’aanka ay dowlada Federalka Soomaaliya ka qaadatay arrimaha Khaliijka taasoo ay dowladu ku sheegtay inay tahay mid dhex-dhexaad ka ah khilaafka ka dhex jira wadamada Khaliijka.

Qoraalka uu soo dhigey Sheekh Shariif Sheekh Axmed boggiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:-

ASC WALAALAYAAL

Go’aanka xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka waxa uu iila muuqdaa mid lagu degdegay oo aan ka tarjumayn masaaliixda dalkeenna, waxaana shaki ku jirin in dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn oo aan la leenahay xiriir qoto dheer oo dhan siyaasadeed iyo mid ganacsiba leh aan loo burburin karin kaliya dowladda Qadar oo aan ognahay heerka ay ka taagan tahay taageerada dalkeenna.

Waxaan madaxda dowladda kula talinayaa iney dib u eegis ku sameeyaan go’aankooda, islamarkaana ay wadatashiyo kala yeeshaan Golayaasha qaranka iyo maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe ee dalka, ayna ilaaliyaan danaha istiraatiijiga ee aan la wadaagno dowladahaas.

MAHADSANIDIIN.

 

 

Halkan hoose ka akhriso warka Sh,Shariif.