Maxaa ka jira in Carabey Xabsi guri ku yahay Magaalada Cadaado?

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Madaxweyne xigeenka maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado Carabey uu xabsi guri ku yahay magaaladaas.
 
Carabey ayaa shalay isku dayay in uu u dhoofo Muqdisho,balse waxaa isku gadaamay Garoonka Maleeshiyo taabcsan Xaaf ,kuwaasoo ka hor joogsaday in uu ka dhoofo Garoonka dibna ugu celiyay Madaxtooyada maamulkaas ee Cadaado..
 
Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas ayaa ka hor yimid go’aankii Xaaf ee uu kaga hor yimid go’aanka Dawlada Fadaraalka ay ka qaadatay khilaafka dalalka khaliijka carabta.
 
Xaaf oo waraysi siiyay laanta Aafka Somaliga ee VOA ayaa sheegay in Dawlada Fadaraalka faragalin xoog leh ku hayso arimaha gudaha ee maamulkaas,isla markaana hab qabyaaladeed oo qaawan ay kusoo faragalisay.
 
Ilaa iyo hada warkan si dhab ah looma xaqiijin karo mana jiro masuul si gooniya uga hadlay.