Video:-Madaxweynaha cusub Ee HirShabelle oo gaaray Magaalada Buula-Barde

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray degmada Buula-burte ee gobolka isaga oo ka soo anbabxay magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa diyaarad Helicopter ka soo qaaday magaalada Beledweyne, waxaana garoonka diyaaradaha degmada Buul-burte ku soo dhaweeyay odayaal iyo waxgarad.

Madaxweynaha socdaalkiisa ku wehlinaya guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo Xildhibaano ka soo jeeda Buulo Burde.

Waxaa xiligan soconaya kulamo kala duwan oo uu halkaa kula leeyahay qeybaha bulshada iyo saraakiisha ciidamada isaga oo u kuurgalaya xaalada guud ee degmada Buula-burte.

Ammaanka Buulo Burde ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la arkayay ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga wafdiga Madaxweynaha,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka