DIGNIIN KU SOCOTA MAAMULKA S.N.M. EE HARGEYSA

Laga soo bilaabo 2008dii oo ah kolkaanu tubta dowladnimo cagta saarnay waxaa isoo tarayey dacaayado iyo mu´aamarado xaggiina ah,waxaa caado idiin noqotay maamulkiina Hargeysa inaad martigelisaan cadowga Ethiopia ee ay Msaarida ugu horreyso iyo camiiladeeda Muqdisho sida dagaal ooge Maxamad Xasan Xaad iyo Dhagarqabe Maxamad Nuur Galaal.

 

Annagu Masar iyo camiiladeedu Ishaanu ku haynaa oo xuduudeenu ma dayacna ninkii xummaan la soo doonta abaalkii buu heli. Waxaanu si taxadar leh ula soconaa xeryaha tababarka Al-qushaash ee deegaanka Beer ee bariga  Burco iyo dhaqdhaqaaqa wadaadka mayalka adag ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee argagixisada Al-qushaash Sheekh Cali Warsame.

 

Kolkaan u soo noqono colaadiina salkeedu waa maxaad nabadda u qaadateen oo aad dowlad u noqoteen. Dowladnimada iyo maamul wanaagga(Good governance) waa hibo illaah inoogu deeqay,intaad na colaadin laheydeen waxaa fiicnan laheyd inaad nagu deyataan oo aanu tusaale idiin noqono.Sannad waliba waxaa jaamacadaheena deeq waxbarasho u yimaada dhallintiina oo aanu barno Maamul wanaagga,nasiib darro markey idiin soo noqdaan ma howlgelisaan oo xafiisyada ay ka howlgeli lahaayeen waxaa baaqii ku ah kuwii uu ingiriiska kaga tagay,kaddibna wey tahriibaan.kuwii la midka ahaa ee ay isku fasalka ahaayeen waa kuwaan bulshadooda horumarka mucjisada ah gaarsiiyey.

 

 

 

BOGAADIN & TAAGEERO KU SOCOTA MADAXWEYNE CABDI MAXAMUUD CUMAR

 

 

Waxaanu bogaadineynaa maamulkeena suuban & Madaxweyne Cabdi Maxmuud Cumar.Madaxweyne Cabdi adigaa naga tuuray heeryadii taliskii dhiigyacabka ahaa ee dergiga,oo nasoo gaarsiiyey nabadda iyo horumarka ka hannaqaaday Ethiopia.

Madaxweyne Cabdi waxaad tahay Madaxweynahii ugu horreeyey ee abid qurbaha noogu yimaada oo talada Dalka wax naga weydiiya sannadkii 2010 taasoo nagu dhiiriigelisay inaanu dalkeena dib ugu laabano oo aan maalgashano.

 

Sannadkii 2011 qurbajoogta guud ee Ethiopia wuxuu dhammaa maalgashigoodu 500.000.000(shan boqol oo milyan) US$,waxaa DDSI aanuu ku laheyn 80% oo ah 400.000.000(afar boqol oo milyan) US$ adigaa sahlay in hanti intaa le´eg ama ka badan sannad waliba inaan deegaankeena ku maalgashano.

 

Waxaanu raali ka nahay halheyskaaga ah: TACAB & TACLIIN.

 

 

TACAB waxaad ka bilowday biyo: baraago,ceelal,ceelal gun dheer,biyo xireeno tiradoodu tahay 174 oo ay ku jiraan  biyo xireeno waaweyn oo dabka laga dhalliyo.

Waxaad 2 sannadood gudahooda aad dib u dejin u sammeeysey 200.000 qoys isku cel-celis 200.000 x 6qof = 1.200.000 oo qof ,waxaa soo baxay deegaamo cusub oo leh iskuulo,goobaha caafimaadka aasaasiga.

Xagga waxbarashda sannad dugsiyadeedkii 2016-2017 waxey dhammeyd tirada guud ee

 

Ardayda DDSI 1.254.658 waa guul. Madaxweyne yoolkeena sannadka 2020 waa 2.000.000(laba milyan) oo arday iyo 3.000.000(saddex milyan) oo beeraley ah. Waxaanu ku diirsanay dhismaha Akadeemiyada Dhaqanka iyo Suugaanta ee Jigjiga taas ururin doonta Taariikhdeenii,Dhaqankeenii iyo Sugaanteenii. Sida la wada ogsoonyahay waxey Soomaalidu soo bandhigto waa Taariikhdeena,Dhaqankeena iyo Suugaanteena. Waxaanu ku diirsanay in boorka laga jafay dhaqankeenii Dhaanto oo ah dhaxal awoowe,soona taxneyd tan iyo Abwaan Raage Ugaas oo ahaa aabaha Hooyaale gabay,hees iyo heelo;maantana waxaa hormuud ka ah Abwaan Axmed Budul waxaanu leenahay guuleyso. Waxaa xusid mudan Kulliyadda Afka Soomaaliga ee Jaamacadda Jigjiga oo heer Master degree ah,waa guul iyo dhaxal shacabkeena u soo hooyatay. Heybadle Madaxweyne Cabdi dadaal badan baad u gashay samata bixinta dad & duunyo jiilaalkii dheeraa iyo roob yaridii deegaanka haleeshay,kolkanu daraasad dhab ah ku sammeyney roob-yarida deegaankana waxaa sabab u ahaa xaalufka ay deegaanka u geysteen qaxootiyadii xuduudaha kasoo gudbay 1988 xilligii Mengistu intaa u dhexeysaa Gorayacowl ilaa Ballidhiig,waxaana Khasaaruhu gaarayaa in ka badan 3.000.000 hectar.

Waxaa intaa dheer laga soo bilaabo 2010 waxaa dool ku yimaada aagaas sannad waliba boqolaal qoys oo nolol doon ah oo u baahan gargaar; muuqaalka guud waa sidaas,laakiin tan dhabta ah waa in maxasta loo helaa meel ay dowladdii joogto si ay gargaar u helaan,inta xooga leh oo da´doodu u dhexeyso 18-50 waa kuwaa Liibiya u tahriibay,waxeyna dhaqan xumaadasii bareen dadkeena gaar ahaan dhallintii waxbarashada ku jirtay.

Heybadle Madaxweyne Cabdi waxaa muhiim ah inaad dib u eegto soo galootiga deeganka xaalufiyay waa inaad go´aan deg-deg ah ka qaadatid oo aad xuduuda dhaafisid;wixii gargaar ah xuduuda shishadeeda ugu gee sida aad yeeshay Hiiraan & Gedo. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar kuma soo koobi karno waxqabadkaada qoraal kooban bog ama laba bog,balse Taariikhda jiilka innaga dambeeya ayaa qori doono oo xusi doono,sidaad jiilkii innaga horreeyey aad u xustay ayaa laguu xusi doonaa oo taalo gebigeedaba dahab ah ayaa lagu dhisi.

 

Ugu dambeyn waxaanu taageero buuxda la garab joognaa Maamulka suuban ee DDSI & Madaxweyne Halyey Heybadle Cabdi Maxamuud Cumar waxaanu leenahay guuleysta,qolo ciilqabta oo danaheeda gurracan ka weyda deegaankeena oo meelahaas ka cabaadeysa yaan loo joojin. Waxaanu ku leenahay qolyahaas cadowga ah ee xuduuda shishadeeda ka dhawaaqaya waxeynu wadaagno ma jirtee intiina iimaansada oo xuduudiina ku ekaada.

waxaanu hambalyo gaar ah u direyna bahda ESTV oo dowr muuqda ku leh horrumarka iyo nabadda deegaanka waxaanu leenahay guuleysta.

 

Dhammaad    Qaybta 3-aad

 

 

 

QURBA JOOGTA DDSI EE SHANTA QAARADOOD