Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xamar oo goor dhawayd la dilay

Warar goor dhowayd naga soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka lagu dilay degmada Waaberi.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dablay hubaysan ay toogteen Jeneraal Cabdullaahi Maxamed Shiikh oo ka mid ah saraakiisha hoggaanka ciidamada Dawlada Xamar.

Sarkaalkan ayaa la dilay mid ka mid ah ilaaladiisa waxaana la sheegay in la weeraray xilli ay kasoo baxeen masaajid.

Dablayda ayaa goobta ka baxsatay.

Sarkaal oo lagu naanaysi jiray Qururux ayaa la sheegay inuu hore u ahaa Taliye xigeenka saadka ciidanka dawlada Xamar.