Video:-Xaaf”Dawlada Fadaraalka ayaa diyaaradaydii afduubatay maanta”

Madaxweynaha Maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo Maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado,ayaa ka hadlay Safarka uu dib ugu laabtay Magaalada Cadaado.

Madaxweyne Xaaf oo ka soo kicitimay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, ayaa diyaaradii uu saarnaa ay ka dejisay magaalada Hargeysa, waxaana halkaas uu saacado ku ahaa Transit.

Madaxweyne Xaaf oo wariyeyaasha la hadlay markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya ay isku dayday inay carqaladeyso diyaaradii ka qaadi laheyd Hargeysa islamarkaana Mudo dhan Shan Saac uu halkaas ku Xarinaa.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Maamulkiisa  kula jirto Dagaal aan kala Go’laheyn islamarkaana Talaabadaasi ku Micneeyay mid Dowladdu ay ku Cuuryaamineyso maamulkiisa,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka