Dawlada Hindiya oo ku dhawaaqday in ay Muslimiinta Rohinga dalkeeda ka saarayso

Gudaha Myanmar, ma aha goob laga jecelyahay waxaana loo diiday dhalasahada dalkaasi,sidoo kale dibadda inta badan kuma laha saaxib.
 
Dowlada Hindiya ayaa hadda sheegtay in dadka Rohingya ee ku nool dalkeeda ay halis ku yihiin amniga qaranka.
Markii ugu horeysay ayaa wasiir ka tirsan dowladda Hindiya ku dhawaaqay in la dhoofin doono oo la rari doono dadka Rohingya ee ku sugan dalkaasi.
 
Tirada dadka Rohingya ee Hindiya ku sugan ayaa dhan ku dhawaad 40,000, oo ay ka mid yihiin 16,000 oo ay qaramada midoobey qaxooti ahaan u diiwaangalisay.
 
Dadka Rohingya ,oo tiradooda ay dhan tahay ku dhawaad 1 milyan ayaa waxa ay dowlada Myanmar u aragtaa in ay yihiin dad soo galooti ah oo ka yimid Bangladesh.
 
Markii ugu horeeysay ee ay yimaadaan Hindiya dadka Rohingya ayaa ahayd sanaddii 1970 waxa ayna imika ku nool yihiin guud ahaan daafaha dalkaasi,iyaga oo qaarkood ku nool xarooyiin.
 
Ku dhawaaqida dowlada Hindiya in ay dadka Rohingya halis ku yihiin ammaanka ayaa ku soo beegmaysa xilli 400,000 oo Muslimiinta Rohingya ay ka soo qaxeen gobolka Rakhine.
 
Kiis ka dhan ahaa qorshaha ay dowlada Hindiya ku doonayso in ay ku rarto dadka Rohingya,ayaa waxa ay dowlada Hindiya ku dooday in ay hayso warar sirdoon oo muujinaya in qaar ka mid ah qoomiyadaha ay xiriir la leeyihiin kooxo argagixiso.
 
Kooxahani ayay sheegtay dowlada Hindiya in qaarkood ay saldhig ku leeyihiin Pakistan.
 
Dowlada raisul wasaare Narendra Modi ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka Rohingya ee ku nool Hindiya ay ku howlan yihiin arrimo ka dhan ah qaranka iyo howlo sharci daro ah taasi oo dhalin karta xiisad dhanka diinta ah.
 
Khubarada ayaa rumaysan in aan la dhayalsan khatarta ka imanaysa jabhada cusub ee Rohingya ee lagu magacaabo Arakan Rohingya Salvation Army (Arsa).
 
Khabiirka lagu magacaabo Subir Bhaumik ayaa ku tilmaamay jabhada ARSA kuwa xoog badan oo haysta dhiirigalin.
Balse ma cadda baaxada ay leedahay caddeynta ay dowladda Hindiya u hayso in dadka Rohingya ay xiriir la leeyihiiin kooxo argagixiso.
 
Waxa ay sidoo kale su’aalo ka taagan yihiin tillaabada la soo jeediyay in lagu raro dadka Rohingya ee ku nool Hindiya iyada oo qoomiyad dhan loo ciqaabiyo danbiyo ay galeen qaar ka mid ah bulshadaasi.
 
Hadii aan si kale u dhigno Su’aalaha la is waydiinayo waxaa ka mid ah’Sax ma tahay in loo arko dhamaan dadka Rohingya in ay khatar ku yihiin ammaanka?
 
Inta ay dhan tahay awooda iyo galaangalka jabhada Rohingya ee lagu magacaabo Arakan Rohingya Salvation Army Ayaan wali cadayn.
 
Dhibaatada hadda ka jirta gobolka Rakhine ayaa bilaabatay August ka dib markii ay jabhadaasi weerar ku qaadeen saldhigyo booliis.
 
Wasiirka arrimaha dibadda Hindiya Rajnath Singh ayaa ku adkaystay in dadka Rohingya aysan ahayn qaxooti ama magangalya doon balse ay yihiin soo galooti sharci daro ah.
 
Hasa yeeshee dadka dhaliila dowlada Hindiya ayaa sheegaya in aysan dowlada Hindiya qaadi Karin tilaabadaasi oo uu qabanayo sharciga qaramada midoobey ee qaxootiga ee dhigaya in dadka magangalya doonka aan lagu celin karin goobo halis ah.