Siciid Cabdullaahi Dani oo la sheegay in uu lahaa Hubkii Bosaso lagu qabtay

Hubkii Maalin ka hor Ciidamada Puntland ay ku qabteen Xeebta Magaalada Boosaaso oo la warar soo baxaya ay tilmaamayaan in la ogaaday cida iska leh
 
Xogo laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Hubka lagu qabtay Bosaso 23-kii Bishan uu lahaa Siyaasi Saciid Cabdullaahi Deni oo ka mid ahaa Musharaxiintii Madaxweynaha fadaraalka,sidoo kale soo noqday Wasiirkii Qorshaynta ee Dawladii Xasan Shiikh iyo Xildhibaan Baarlamaanka Fadaraalka ah.
 
Hubka ayaa la sheegay in laga soo iibiyay Dalka Yemen islamarkaana lagu soo dhex qariyay Doon siday Shixnado kala duwan,waxaana Hubka Gacanta ku dhigay Ciidamada Badda Puntland,kuwaas oo ku soo bandhigay Magaalada Boosaaso.
 
Wararka ayaa intaas ku daraya in Saciid Cabdullaahi Deni uu Hubka ka soo iibsaday Wadanka Yemen.
 
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu ka mid noqon doono Musharaxiinta xilka Madaxweynanimo ee Puntland u Tartami doonta 2019-ka,lamana garan karo sababta ku kaliftay in uu hub kasoo iibsado Yemen oo hubayn maleeshiyo maanta abaabulo,iyadoo Puntland ay 19 sano jirsatay,isla markaana uu ka hirgalay nidaam dawliya oo sal balaaran lehna nidaam doorasho oo laysku halayn karo.
 
Dawlada Puntland ayaan weli ka hadlin Cida leh Hubka ay laamaha amaanka Puntland ku qabteen Xeebta Magaalada Boosaaso.