Video:-Garowe oo uu ka furmay shir looga xaajoonayo midaynta canshuuraha Somaliya

Shir u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda Fadaraalka iyo Wasaaradaha maaliyada ee Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ayaa ka furmay Caasimada Garowe. saakay.

 
Shirkaan ayaa looga hadli doonaa inta uu socdo Mideynta Miisaaniyadda guud ee Jamhuuriyada Fadaraalka Somaliya.
 
Shalay ayaa waxaa soo gaaray Garowe wafti ka kala socda Dawlada Fadaraalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Wasaaradahooda Maaliyada,ujeedka socdaalkooda ayaa ahaa sidii loo bilaabi lahaa dardargalinta habka ugu fudud ee loo midayn karo miisaaniyada dalka.
 
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beylle ayaa horay u sheegay in Wasaaraddiisu ay Xooga saari doonto sidii loo mideyn lahaa Canshuuraha Dalka islamarkaana Siyaasad Cad loogu dajin lahaa Mideynta Miisaaniyadda Dalka.
 
Inkastoo shirkan bilaw yahay hadana lama saadaalin karo guusha laga gaari karo midaynta miisaaniyada Dalka,maadaama ay jiraan arimo waa weyn oo aad loogu kala aragti duwan yahay,hoo ska daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka