Farmaajo oo ugu anba baxay Sacuudiga safar aan wax badans oo kordhin doonin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa maanta u amba baxay dalka Boqortooyada Sucuudiga.
 
Safar shaqo oo qaadanaaya muddo labo maalmood ah ayaa
 
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in safarkan shaqo ee madaxweynaha uu dabo socdo safarradii hore ee u ku tagay dalkaas kuwaas oo lagu xoojinayey dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.
 
Safarkan waxaa ku weheliya Madaxwenaha Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar.
 
Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Sacuudiga ayaa waxaa dul hoganaya fadeexado ka dhigay mid aan macno badan lahayn,iyadoo dawlada Boqortooyada Sacuudiga aysan markan xiiso u ahayn soo dhaweyntiisa.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tala jira in uu dajiyo Sacuudiga iyo xulufadiisa kaga carooday taageerada uu u muujiyay Qadar,inkastoo ay dhabar jabiyeen Fahad Yaasiin iyo kooxdiisa,kuwaasoo maalmo ka hor shirkii golaha Wasiirada Fadaraalka ku dirqiyay in aan laga laaban go’aankii hore ee ay ka qaadatay dawlada Fadaraalka khilaafka Dawladaha Khaliijka.
 
Lama filayo in Farmaajo kala soo laabto safarkiisa Sacuudiga guulo la taaban karo oo waxuun ka tarikara fashilka xooga leh ee gudaha dalka kaga furan.