Video:-Xaaf oo xabsi guri ka dhigay Carabeey iyo Gacal Casir

Gali Gacal Casir oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Madaxtooyada Cadaado ay ku xaniban yihiin, isla markaana saddex jeer loo diiday inay banaanka u baxaan.

“Runtii Cadaado waxaa ka taagan arrin aad isugu cakiran oo aad loo abuurayo, aniga, Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka, xabsi guri ayaa nahay muddo todobaad ah”ayuu yiri Guddoomiye Cali Gacal Casir oo intaa ku daray in Madaxweyne Xaaf uu bixiyay awaamiirta xabsiga guriga looga dhigay.

Waxaa uu sheegay inuu jiro mooshin ay diyaariyeen Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo qorshihiisa yahay in xilka looga qaado, waxaana uu ku tilmaamay in la diiday kulamadii baarlamaanka.

Mar la weydiiyay in waxa ay isku hayaan Madaxweynaha ay tahay go’aankii uu qaatay ee uu ku taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, ayuu sheegay in cid walba ay xor u tahay fikirkeeda, isla markaan aanay jirin cid qabsi karta,hoos ak daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka