Video:-Xisbi Siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Umada oo looga dhawaaqay Garowe

Xaflad galinkii dambe shalay 25 Setemper lagu qabtay magaalada Garowe ayaa lagu shaaciyay Urur siyaasadeed cusub oo magaciisa la yiraahdo UMMADDA, waxaana ka qeybgalay munaasabada masuuliyiin ka tirsan Gollaha Xukuumadda, Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ee Puntland, Odoyaal,Aqoonyahano,Dhalinyaro,Haween iyo Marti sharaf kale.

Cabdirashiid Maxamed Cali oo ah Aqoonyahan reer Puntland ah ayaa shaaciyay Ururka la dhaho Ummadda,wuxuuna sheegay inuu qeyb ka noqon doono kooxaha u tartamaya hogaaminta siyaasadda Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya, Islamarkaana ay ka dambeysay furitaankiisa ka dib markay ku midoobeen Aqoonyahano Soomaaliyeed oo kala jooga gudaha iyo dibadda.

Wuxuu sheegay inuu kaga duwan yahay Ururka Ummadda kuwii ka horeeyay qaab dhismeedkiisa oo ku salaysan mid si sharciya looga diiwaangalin doono maamul kasta iyo Dowlada dhexe, Islamarkaana uu noqonayo urur ka dhaxeeya dhamaan shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay in qorshahooda uu bilow u yahay diiwaangalinta ay ka sameeyeen Puntland,Hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka