Wasiirka Maaliyada Fadaraalka oo soo gaaray Puntland

Waxaa magaalada Garowe lagu soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyada Dawlada Fadaraalka Somaliya Dr Abdirahman Beyle iyo wafti uu hogaaminayo.
 
Waftiga Wasaaradaha Maaliyada Fadaraalka ayaa garoonka ksuoo dhaweeyay Wasiirka Maaliyada Puntland Dhaqaaje iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Puntland.
 
Waxaa shalay ka furmay Xarunta Wasaarada maaliyada Puntland shir hor dhac ah oo qayb ka ah shirweynaha Wasaaradaha Maaliyadaha Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraaalka iyo Wasaarada Maaliyada ee heer Fadaraal ,kaasoo looga arinsanyo sidii loo midayn lahaa nidaamka canshuuraha dalka.
 
Wasiir Beyle ayaa shir gudoomin doona shirkaas oo maanta si rasmiya ufurmaya.