Dawlada Fadaraalka oo taageertay xilka ka qaadista Xaaf

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda dhexe ee Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu taageeray go’aanka ay gaadheen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, waxayna xukuumadda dhexe ku baaqday in la ixtiraamo sharciga.
 
Warsaxaafadeedka ayaa ugu horrayn lagu sheegay in Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay ka walaacsan tahay Xasaradaha Amni iyo kuwa siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday Xarunta KMG ee CADAADO ee fariisinka u ah maamulka Galmudug.
 
Qoraalka ayaa lagu cambaareeyey, xayiraadda la saaray Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo weliba ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka, waxaana lagu baaqay in xorriyaddooda si degdeg ah loogu soo celiyo.
 
Qodobka saddexaad ee warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay “Dawladda Federaalku waxey ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aankii uu Baarlamaanka GalMudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay 26 September 2017, loona hoggaansamo sareynta sharciga.” Ayaa lagu yidhi Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
 
Ugu dambayn waxaa qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu sheegay in Dawladda Federaalka ahi ay Farayso hay’adaha Amniga inay ka hortagaan xasarad kasta oo keeni arta amni darro saamaysa hay’adaha Dastuuriga ah, waxaana loogu baaqay shacabku inay kaalin ka qaataan dhawrista nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanka.
Halkan hoose ka akhriso:-