Dhagayso:-Inta badan Xildhibaanada Galnus oo ka hor yimid xildhibaanadii sheegay in ay Xaaf xilka ka qaadeen

Isla xalay waxaa magaalada Cadaado ka qabsoomay kulan kale oo ay yeesheen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, waxay ku dedafeeyeen oo waxba kama jiraan ku tilmaameen go’aankii ay soo saareen xildhibaannada ka horreeyey.
 
Xildhibaan Xareed Cali Xareed oo ah Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa VOA u sheegay in kulanka uu xalay guddoomiyey ay ka qaybgaleen 48 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug.
 
Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad Xildhibaan Xareed ayaa sheegay inuu gacanta ku hayo mooshin laga keenay Guddoomiyaha Golaha, isaga oo sheegay inay si dhakhso ah dooddiisa u gudo geli doonaan.
 
Guddoomiye Xareed ayaa eedaymo kulul u jeediyey dawladda Federaalka ah oo ku tilmaamay inay burburinayso maamul goboleedada, oo dhismahooda loosoo maray jid aad u adag. wuxuuna ugu baaqay inay arrintaas ka laabtaan,hoos ka dhagayso codka Xareed.
Halkan ka dhagayso codka Xareed