Muran lahaansho dhuleed oo sababay Iska hor imaad duleedka garowe

Ugu yaraan afar  qof ayaa ku dhintay saddex kalena wey ku dhaawacmeen dagaal saaka deegaanka Jibagale oo ku yaala duleedka Garowe ku dhexmarey  Maleeshiyaad Hubeysan.

Maleeshiyaadka Dagaalamay ayaa la sheegay in Dagaalkoodu uu Salka ku hayo Dhul la isku hayo oo ku yaalla Aagga lagu dagaalamay.

Sanadihii u dambeeyay waxaa kusii xoogaysanaya magaalada Garowe dilalka ay geysanayaan kooxaha isku haya Dhulka ,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland.

Dadkii ku dhaawacmay Dagaalka ayaa la geeyay Isbitaalka Guud ee Magaalada garowe,halkaas oo Xaaladdooda lagula Tacaalayo.