Video:-Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka oo digniin udiray Dawlada Farmaajo

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islan, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xassan Sheekh adan, Galmudug Axmed Ducaale Gelle-Xaaf , Hirshabeele,Maxamed Cabdi Waare waxay Maanta oo taariikhdu tahay 27 bishii sabtember 2017 si wadajir ah u soo saareen warmurtiyeed ku aadan xaaladaha siyaasadeed ee sii murgaysa ee wadanku wajahayo taas oo hadii ay si socoto horseedi karta gaabis ku yimaada iskaashiga dowlada dhexe iyo kuwa Dowlad Goboleeyada kadibna ka dhalan karto in laga mashquulo waxyaabo badan oo mudnaanta u lahaa wadanka oo ay ugu horeyso la dagaalanka aragagxisada .

Shanta Madaxweyne Dowlad goboleed ayaa walaac weyn ka muujinayaan faragalin ay sheegeen in ay tahay mid qaawan ee ku wajahan Dowlad Gobleeka Galmudug iyo sida ay Dowlada dhexe u maraynayso is afgaranwaaga siyaasadeed ee ka dhashey go’ankii Dowladu ka qaadatey khilaafka khaliijka Carabta kaas oo saameyn weyn ku yeeshay arimaha dhaqaalaha, amniga iyo adeega bulshada dadka Soomaaliyeed. Ismaandhaafka ka dhashey khilaafka khaliikka awgeed, waxaa jira ololeyaal, abaabulo iyo faragalin toos ah oo ku wajahan Madaxweynaha Galmudug taas oo ujeedada ka danbaysa tahay in Madaxweynaha lagu mijaxaabiyo arintan oo ay qayb ka tahay dowlda dhexe sida ay ka markhaati kacayso warmurtyeedka ay soo saartey Wasaarada arimaha Gudaha oo lagu taageerayo go’aanka aan sharciga ku dhisneyn ee ka soo baxay Cadaado.

Sidaas darteed waxay madaxweynayaashu canbareynayaan go’aanka ay soo saareen xubnaha kamidka ah Baarlamaanka Galmudug oo ay u sheegeen in ay xikii kaga qaadeen Madaxweynaha Galmudug. Sidoo kale waxay cabaareynayaan isku day kasta oo lagu mijaxaabinayo madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug si aan sharciga waafaqsanayn taas oo horseedi karta deganaan la’aan iyo khalkhal siyaasadeed iyo amni doro taas oo ugu dabnaynta saameyn ku yeelan karta wadanka oo dhan islamarkaana wiiqi doonta hawlihii dadka loogu adeegayey.

Waxay Madaxweynayaahu kula talinayaan hogaanka sare ee dowlada dhexe in ay dib uga noqdaan go’aanka ay ku sheegeen in ay ku taageersanyihiin hadalka ka soo yeeray caddado islamarkaana la yimaadaan wax mideyn kara dadka soomaaliyeed islamarkaana ka fogaato wax kasta oo kala qaybin kara dadkan la daala dhacay colaadaha iyo abaarta. Waxay madaxweynayaashu baaq u dirayaan saxiibada Somaliya ee beesha caalamka in ay arimahan doorka talo bixin ee kaga aadan ka qaataan. Ugu danbayn waxay madaxdu isku raaceen in ay shir degdega isugu yimaadaan Magalada kismaayo si ay wadatashi dheeri ah uga yeeshaan arimahan islamarkaana waxii maslaxad ay u arkeen ula wadagaan hogaanka saree e dowlada dhexe,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka