Video:-Shirkii midaynta Canshuuraha Somaliya oo soo gabagaboobay

Gabagabada kulanka ayaa hadalo kooban waxaa ka jeediyay Wasiiradda Maaliyaddaha Dowladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka, iyagoo ka hadlay faa’iidada ay leeyahay isku xirnaanta dawladaha xubnaha ak ah dawlada Fadaraalka iyo Dowlada dhexe ee dhanka dhaqalaha iyo in la wadaago kheyraadka guud ee Dalka iyo deeqaha Dibada laga helo..
 
Shirkaan ayaa waxaa soo xiray Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, isagoo sheegay in qodobo dhowr ah laga soo saaray kulankii ay ku yeesheen Magaaladda Garoowe ee Xarunta Puntland, waxaana uu xusay in Heshiis guud laga qaatay in si siman loo qaado canshuuraha ay qaadaan Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada.
 
Wasiirka ayaa sheegay in Shirkan kiisa xiga lagu balamay in lagu qabto Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland, Gogosha shirkana uu dhigay Wasiirka Maaliyadda Maamulka Jubbaland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka