Video:-Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka GALMUDUG oo sheegay in ay xilkii ka qaadeen Xaaf

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado,ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
 
Xildhibaannadan oo ku shiray hotel ku yaalla magaaladan ayaa ku dooday in Madaxweynuhu sharciga ku tuntay, waxayna tilmaameen inay ahaayeen 55 Mudane, halkaas oo 52 ka mid ahi ay ogolaadeen xil ka qaadista.
 
Xildhibaannadan ayaa sheegay inay sidoo kale mooshin xil ka qaadis ah ka keeneen Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Baarlamaanka Galmudug,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka