Xildhibaano ka tirsan labada Aqal Ee Baarlamaanka Fadaraalka oo gaaray Cadaado

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado,ayaa sheegaya in ay halkaas gaareen xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya, oo isku dayaya inay xalliyaan khilaafaadka siyaasadeed.
 
Maalintii shalay ayaa qaar ka mid ah xildhibaannada Galmudug waxay sheegeen inay xilkii ka qaadeen madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaase arrintaasi gaashaanka ku dhuftay taageerayaasha Madaxweynaha maamulkaasi.
 
Xildhibaannada maanta tagay Cadaado ayaa la kulmay dhinacyada ku kala aragti duwan siyaasadda ee isku haya siyaasada maamulka Cadaado.
 
Khilaafka maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado, ayaa kasoo billowday kadib markii xubnaha maamulka ugu sarreeya iyo xildhibaanada ay isku khilaafeen mowqifka maamulka uu ka qaatay xiisadda dalalka khaliijka.