Xoghayihii ururka haweenka Muqdisho oo la dilay

Koox hubeysan oo wadatay gaari yar ayaa toogasho ku dilay xoghayaha guud ee Ururka Haweenka Qaranka Canab Cabdullaahi Xaashi iyo Axmed Jaamac Xirsi ( Badwi ) oo ay dhashay Batuulo Axmed Gabale oo ah gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed,
 
Dilka ayaa ka dhacay isgoyska VIA ROMA ee degmada Xamarweyne. Labada ruux ee la toogtay ayaa watay gaari Surf ah iyada oo ay labaduba ay goobta ku nafwaayeen..
 
Saraakiisha amniga oo goobta yimid ayaa sheegay in gaariga nuuca loo yaqan Isbaasiyo oo ay saarnaayeen rag hubeysan ay dilka gaysteen, goobtana ay ka baxsadeen.